September 16, 2019

Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Federalka Oo Taageeray Hannaanka Doorasho ee Jubbaland


Xildhibaanada labada aqal ee  Baarlamaanka federaalka ee ku sugan magaalada Kismaayo, xarunta KMG ah ee Jubbaland ayaa qoraal ka soo saaray sida xornimada leh ay u dhacday doorashada ay goobjooga ka ahaayeen ee guddoonka baarlamaanka 2aad ee Jubbaland.

Xildhibaannada ayaa intaasi ku daray in dowladda federaalka ah ay ku tumaneyso sharciyada dalka, waxaa kale oo ay ka hadleen in dowladaha dariska aan laga ogolaan doonin faragelinta arrimaha dalka.


Xildhibaanadaan labada Aqal ee BF ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in ay muhiim tahay in cid waliba ay ixtiraamto dastuurka dalka u yaala.

Halkaan  ka Akhriso, War Saxaafadeedka:

 

 


Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*