September 16, 2019

Ciidamada Amisom oo maanta laba qarax lagula beegsaday deegaanka Buurane ee Deg;Mahadaay


Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ayaa waxaa maanta laba qarax lagula eegtay deegaanka Buurane ee duleedka Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidamada Amisom oo ku socdaalaayay agagaarka deegaanka Buurane ayaa waxaa lala beegsaday qarax horey loogu diyaariyay wadada dhinaceeda, iyadoo uu burbur ka soo gaaray mid ka mid ah kolonyadii ay la socdeen.

Ciidan kale oo gurmad ahaa oo ka soo baxay xerada Amisom ee deegaanka Buurane ayaa sidoo kale qarax kale lagula beegsaday meel ku dhow halkii qaraxii hore lagula eegtay.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Amisom ay furayn rasaas xoogan, taasoo aan la soo sheegin cid ay waxyeelo ka soo gaartay.

Qaraxyadan haleelay gawaarida Amisom ayaa la sheegay in waxyeelo kala duwan ka soo gaartay, iyadoo qaraxii hore la sheegay in ay ku dhimatay afar ka mid ah askarta Amisom.


Ciidamada Amisom oo howlgalo ka sameeyay goobihii qaraxyada lagula beegsaday ayaa soo qab qabtay dhalinyaro, kuwaa oo ay ula dhaqaaqeen xerada ay Buurane ku leeyihiin.


Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska Amisom, dhanka kalena waxaan jirin cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadaasi, balse waxaa lala xiriirinaya maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*