September 16, 2019

Ciidamada Dowlada Oo Shacab Ku xirey Degmada Ceel-Baraf Dad Ka Soo Laabatay deegaanada Al-Shabaab


Faah faahin Dheeri ah ayaa ka soo baxaya  Dad Lagu Xer-xeray Saldhiga Degmada Ceel-Baraf Oo Ka Tirsan Gobolka sh/Dhexe Waxaana Xeray Ciidanka Dowlada Somaliya ee Ku Sugan Halkaasi.

 Wararka ayaa Sheegaya in  ay Dadkaani Ka  soo laabteen degmada Aadan Yabaal kuwaasoo ahaa ergo iska diiwaangeliyay xarumaha Al-Shabaab ee ku leeyihiin Degmada Aadan yabaal.


Sidoo kale Dadkan la xer xeray ayaa la sheegay in ay oo isugu jira rag iyo dumar ayna ka soo laabtay degmada Alkowsar iyagoo halkaa ku sugnaa dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay sida ay  sheegeen  qaar ka mid ah ehelada dadka la xirey Iyo Dad Degaanka ah.

Dhanka kale Waxaa la  sheegaya dadkan lagu xirey saldhiga Ceel-Baraf  kadibna loona diiday cuntadii iyo weliba inay la xiriiraan eheladooda.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka G/Sh/dhexe iyo dowlad goboleedka Hirshabelle. S


Ururka Al-Shabaab ayaa soo saaray amar ah in ay iska diiwaangeliyaan deegaanada ay maamulaan dhammaan ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Federalka.

Si kastaba Ha ahaatee Degmada Ceelbaraf Iyo Deegaanada Ku Hareereeysan ayaa ah Kuwa Dulman Oo aan ka helin daryeel dhinac kasto dowlada somaliya iyo mamulka hirshabelle Mana Jirto Mas´uul Siyaasadeed Oo ka damqanaya Dhibaatooyinka ka jirka halkaasi Hadii ay ahaan laheeyd waxbarashada iyo caafimaadka.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*