September 16, 2019

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Oo Xariga Ka jaray Mashaariic Laga Dhisay degmada Balcad


Madaxweyne ku xigeenka Maamul Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa xariga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Mashaariicda xariga laga jaray ayaa waxaa ay kala ahaayeen dhisme isbitaal,iskuul iyo garoonka kubbada cagta degmada Balcad.

Munaasabada xariga looga jarayay Mashaariicda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Hishabelle Maxamed Cali Caadle,Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan,Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasin Cali Nuur iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ka hadlay munaasabada xariga looga jarayay saddexdan mashruuc ayaa sheegay inay farxad u tahay in mashaariic horumarineed laga hirgeliyo degmada Balcad qaar kalana ay socdaan dhamaystirkooda.

“Waxaan ugu baaqayaa Maamulka iyo Shacabka degmada inay ku dadaalaan sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen mashaariicdan la hirgeliyay.”ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen.


Mashaariicda laga hirgeliyay degmada Balcad ayaa waxaa kamid ah isbitaal,iyadoo markii ugu horeysay tan iyo burburkii dowladii hore ay degmada Balcad yeelatay isbitaal.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa toddobaadkii hore xariga ka jaray lix mashruuc oo laga hirgeliyey degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan.


Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*