September 16, 2019

Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Gaaray dalka Zimbabwe


Ciyaartoyda xulka kubbada cagta qaranka Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin ka tirsan xiriirka kubbada cagta Soomaaliyeed ayaa gaaray magaalada Harare ee caasimada dalka Zimbabwe.


Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay lugta 2aad ee isreebreebka Koobka Aduunka la ciyaari doono xulka Zimbabwe talaadada soo socota iyadoo lugtii hore ay xulka qaranka Soomaaliya 1-0 uga badiyeen xulka Zimbabwe.


Ciyaartoyda xulka qaranka ayaa rajo weyn ka qaba in ay guul ka keenaan lugta labaad ee ay la ciyaarayaan xulka Zimbabwe waxaana wajiyadooda ka muuqata rajo weyn ay ka qabaan in ay dhigaan rikoor cusub.

Haddii ay guul ka gaaraan lugta 2aad xulka qaranka Soomaaliyeed ayaa amaba barbaro keenaan ayaa waxa ay u gudbi doonaan tartanka guruubyada ee loogu soo baxayo ciyaaraha adduunka 2022 oo ka dhici doono dalka Qatar.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*