September 16, 2019

Bangiga Adduunka oo sheegay in dhaqaalaha Muqdisho uu kordhay sanadkan


Bangiga adduunka ayaa ku shaaciyay war ka soo baxay maanta in dhaqaalaha Muqdisho uu sare u kacay 2.9% sanadkan halka sanadkii hore uu ahaa 2.8%.


Warbixin uu soo saaray maanta Bangiga Adduunka ayaa lagu sheegay in heerka kororka dhaqaalaha dalka Soomaaliya saddexda illaa shanta sano ee soo socota uu ku tiirsanaan doono sida loo joogteeyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka.


“Ururinta canshuuraha ee dowlada Soomaaliya ayaa sare u kacay 29% sanadkii la soo dhaafay iyadoo dhaqaalahana uu ka soo kabtay abaar ku dhufatay dalka labo sano kahor,dowladuna waxa ay bedeshay siyaasadeedii canshuuraha,”ayaa lagu sheegay warkan ka soo baxday Bangiga Adduunka.

“Inkasta uu dhaqaaluhu kordhay balse lama helin lacag ku filan oo lagu dabooli karo baahida waxbarashada iyo caafimaadka ee dalka ka jirta.”ayuu sii raaciyay Bangiga adduunka warbixinta uu ka soo saaray maanta dalka Soomaaliya Gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Sida ay daabacday Wakaalada wararka ee Reuters Bangiga Adduunka ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay dowlada Soomaaliya in ay abuurto dhaqaale loogu talo galay horumarinta waxbarashada Iyo Caafimaadka.

Bishii May ee sanadkan ayaa hay’adda lacagta adduunka IMF waxa uu sheegay in dhaqaalaha Muqdisho uu waddo wanaagsan ku taagan yahay balse waxa uu ka digey in uu halis u yahay in uu burburo sababo la xiriira amniga darro,isbedelka cimilada iyo saboolnimada.

Si kastaba Ha ahaate Canshuurta laga qaado dalka somaliya waa canshuurta laga qaado Magaalada Muqdisho Sida Gorrnka diyaradaha Iyo Dekada Muqdisho ,labada kontorool ee magaalda Muqdisho laga soo galo iyo Suuqyada Muqdisho

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*