September 16, 2019

C/raxmaan Caynte “Madaxda dowladda waxay aaminsan yihiin siyaasad lagu kala adkaado inay dalka ku hagaan”


Wasiirkii hore Qorsheynta Xukuumaddii hore ee SoomaaliyaC/raxmaan Yuusuf Cali Caynte ayaa walaac ka muujiyay xaalada Siyaasadeed iyo mida amni ee xilligan ka jirta Soomaaliya, isagoo soo hadal qaaday dhacdooyinka siyaasadeed ee dalka ka dhacay iyo khilaafka ka dhex taagan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Mr Caynte ayaa wareysi dheer oo uu siiyay Telefishinka RTN waxaa uu ku sheegay in amniga uu faraha ka sii baxayo, isla markaana Al-Shabaab ay bilaabeen lacago canshuuro ah oo la mid ah kan ay dowladda ka qaado oo kale ay Ganacsatada ka qaado, isagoo xusay


Waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay qoorta iskula jiraan, isla markaana tiirarka lagu dhisayo dowladnimada oo ka mid ah siyaasadda loo dhan yahay mar ay xilligan ka khatar badan yahay uusan arkin.

C/raxmaan Caynte ayaa soo hadal qaaday doorashooyinka maamul goboleedyada, sida doorashadii Baydhabo ee dhiigga ku daatay, tii Jubbaland ee muranka ka dhashay, doorashada Galmudug la qorsheynayo oo uu xusay inuu socdo dadaal wanaagsan oo mudan in la soo dhoweeyo.

Waxaa uu sheegay in Madaxda dowladda Federaalka ay aamisan yihiin mabda’a ah in siyaasad lagu kala adkaado, balse aanay taas xalka aheyn, maadaama dalka weli ku jiro isu soo dhoweyn iyo dib u heshiisiin.

“Madaxda dowladda Federaalka waxay aaminsan yihiin siyaasad lagu kala adkaado inay dalka ku hagana, waxay aaminsan yihiin dadka siyaasiyan uga soo horjeedo inay ka adkaan karaan, waxay kaloo u arkaan cadawga dowladda”ayuu yiri Mr Caynte.

Sidoo kale waxaa uu xusay in loo baahan yahay in la isu tanaasulo oo dadka la isku keeno, iyadoo la eegayo duruufta dalka marayo oo ah mid dib u heshiisiin

“Labada mabda’ ah ee dalka haatan ka jira waa in lakala adkaado oo awood la isku maquuniyo iyo mabda’a ah meel lagu kala adkaado lama joogo, waxaa u baahanahay siyaasad wadar ogol ah oo tanaasul iyo in meel dhexe la isugu yimaada”ayuu yiri C/raxmaan Caynte oo intaa ku daray in haddii la kala adkaan karo in aan heerkan la soo gaari laheyn.


Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo laga doonayo inuu ka dhabbeeyo hadalkii uu ka sheegay caleema saarkii Madaxweynaha Puntland oo ahaa inuu noqonayo Nabadoon Soomaaliyeed, isla markaana ay uga fadhiyaan Nabadoonimadaas inuu dalka ku wado.

“Madaxweynaha asigaa dalka u weyn oo oday noo wada ah, si kasta oo looga aragti duwan yahay, asigaa ixtiraamka iyo qabtii Soomaalinimada ku fadhiya inuu dadka soomaaliyeed madaxda u yahay, kuwa taageersan iyo kuwa ka soo horjeedo inuu isugu yeero, sida uu Garowe ka yiri ee ahaa Nabadoon Soomaaliyeed ayaa rabaa inaa noqdo, waxaa uga fadhinaa Madaxweynaha Nabadoonimadii uu uga yaboohay caleema saarkii Madaxweyne Deni, nabadoonimada waa in dadka kaa aragti duwan inaa qol la soo fariisato oo aad la hadasho, laakiin haddaad aaminsan tahay dowladnimada ayaa sharci ku siineysa inaad dadka ka soo adkaadid, Soomaali haddii la kala adkaan karo meeshaan lama soo gaareyn, marka la soo kala adkaan waayo waa la isku baaba’ay, meeshaas in naloo celiyo ayaan darro ayay dalka ku tahay”

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*