September 16, 2019

Dowladda Somalia Oo War Ka soo Saartay In Al-Shabaab Ay Joojiyeen Dhismihii Garoonka Muqdisho Stadium


Saacadihii la soo dhaafay ayaa qaar kamid ah warbaahinta gudaha waxaa ay baahiyeen warar sheegaya in Al-shabaab ay joojiyeen dhismihii iyo dayactirkii ka socday Garoonka Muqdisho Stadium oo muddooyinkii ugu dambeeyay lagu waday dib u dhis.

Hayeeshee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay wararkii la xariiray in Al-shabaab ay joojiyeen dhismihii Garoonka Muqdisho Stadium,isla markaana waxaa Maanta halkaas booqday Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar,Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Soomaalia Khadiijo Maxamed Diiriye,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Finish iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Maanta booqday Garoonka Muqdisho Stadium oo uu ka socdo dib u dayactir.


Sidoo kale Madaxdii halkas tegay ayaa been abuur ku tilmaamay wararka ay baahiyeen qaar kamid ah Warbaahinta gudaha ee ahaa in la joojiyay dhismihii iyo dayactirkii ka socday Garoonka.


Hase Warka ka soo baxay dhanka dowlada ayaa ah mid ay wabaahinta caalamka iyo shacabka somaliyeed ku marin habaabinayaan sida dhabta ah kama aysan hadlin balse sid uu baahiyay warbaahinta ayaa saxan sida ay qabaan bulshada dhamaanteen.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*