September 16, 2019

Nin Dhalinyaro Oo Caan Ka ahaa Magaalada Baydhabo Oo Dilay


Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed ayaa gelinkii dambe ee  shalay waxaa uu Magaalada Baydhabo ku dilay nin dhalinyaro ahaa, ka dib markii la sheegay in uu ka shakiyay.


Falkan ayaa ka dhacay xaafadda Berdaale ee Magaalada Baydhabo, gaar ahaan agagaarka Garoonka kubadda cagta ee Dr. Ayuub, oo xilligaa uu ku sugnaa Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre.

Askariga ayaa la sheegay in uu ka shakiyay gaari nooca raaxada oo ninkaasi uu la socday. Shakiga ayaa waxa uu yimid gaariga oo ku xirnaa muraayadaha beensalka.


Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Aadan Deerow ayaa caan ka ahaa Magaalada Baydhabo, iyadoo uu u ololeyn jiray arrimaha bulshada. Dilkiisa waxaa caro ka muujiyay shacabka reer Baydhabo.

Dhanka kale Booliska Magaalada Baydhabo ayaa xabsiga u taxaabay gabar gaariga la saarneyd marxuumka.

Gabadhan oo lagu magacaabo Luul Aadan Isaaq ayaa ah Gudoomiyaha Ururada Bulshada ee Koonfur Galbeed, fadhigooduna uu yahay Magaalada Baydhabo.

Masuuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha Ciidamada ayaan ka hadlin dilka iyo xariga ay Ciidamada Booliska ka gaysteen Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*