September 16, 2019

Wasiir Sabriye Oo Yiri Ergada waxaa laga rabaa inay fuliyaan qodobada lagu heshiiyo


Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa waxaa uu ergada ka qaybgaleysa shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug ugu baaqay in ay ka mira dhaliyeen hadafka loo qabtay shirweynaha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Somaliya ay juhdi ku bixin doonto, sidii shirweynaha looga soo saari lahaa xal waara oo beelaha ay heshiis ku yihiin.


Waxa uu intaa ku daray in ergada looga baahan yahay in ay muujiyaan doorka kaga aadan shirweynaha, oo ay ugu muhiimsan tahay in ay fuliyaan qodobada laga soo saaro shirweynaha.

Wasiir Sabriye oo ka hadlayay shirweynaha beelaha Galmudug uga soconaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in dowladdu ay fududayn doonto, wax kasta oo la xiriira dhinaca farsamada ee iyada looga baahan yahay.


Shirweynahan ayaa waxaa uu ujeedkiisu yahay in la isugu soo dhaweeyo beelaha degga Galmudug, ka hor inta aan la qaban Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Galmudug.

Beesha Caalamka ayaa Axadii soo dhaweysay dadaalada ay xukuumadda ku bixineyso in bulshada Galmudug ay dhistaan Dowlad Goboleed ay u dhan yihiin.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*