September 16, 2019

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Magaalada Xudur


Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa  goor dhow gaaray Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.

Madaxweynaha iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka amba baxay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa duhurnimadii maanta ka degay Garoonka Magaalada Xudur.


Wafdiga Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa horudhac u ah wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre oo ku sii jeeda Magaalada Xudur.


Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre oo shalay lagu waday in uu gaaro Magaalada Xudur ayaa uga baaqday arrimo aan la shaacin.

Dhanka kale Ciidamada Dowladda Somaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee ku sugan Magaalada Xudur ayaa lagu soo daadiyay wadooyinka ku yaala magaaladaasi, waxayna yareeyeen dhaqdhaqaaqii gaadiidka ee magaalada.

Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa deegaanada Koonfur Galbeed ka hirgelinaya mashaariic ay xukuumaddu ugu tala-gashay in lagu horumariyo.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*