November 12, 2019

QISO Dhab ah Oo Ka dhacday Dalka Sacuudiga Inta aadan Falcelin Ka Fiirso


QISO Dhab ah Oo Ka dhacday Dalka Sacuudiga

Xundubeey Iyo Tooxoow:218

Wiil Somaliyeed ayaa Maalin Maalmaha Ka Mid ah Dagaal Gacan ka hadal ah Waxa uu Dhex maray Askari Bolis Sacuudiyaan ah .Somaliga ayaa ku sugnaa Magaalada Jeddaha Gaar ahaan Suq kamid ah oo lagu dhaqo gawaarida Ama Babuurta yar-yar ,

Weerar Gaadmo ah Ayaa lagu soo qaaday Wiilkii Somaliga ahaa kadibna waxa uu bilaabay in uu iska difaaco Balse Lama qaban Waxana Ka dhacay Dagaal Qaraar Oo Gacan Ka Hadal ah Hase ahaatee Askarigii Sacuudiga Ahaa Waxaa Soo Gaaray Dhawacyo Dhinaca Wajiga ah.

Muxuu Sameeyay Askarigii:


Askarigii Oo Xanaaqsan ayaa Tagay Gurigiisa Kadibna Xaaskiisa ayaa Salantay Oo Dhahday Maanta Waad Xanaaqsan tahay Maxaa Kugu Dhacay, Waxa uu ugu Jawaabay Nin Somali ah ayaa Sidaan ii Galay Waxaana Rabay in aan Tarxiilo Balse Dagaal adag ayuu igu qaaday,Wuuna iga Baxsaday.
Laakin waxaan Rabaa in aan Raadiyo Oo aan Asxaab kale Ku Dalbado aana Ciqaab Marsiiyo Marka aan soo qabto.


Xaasikiisa ayaa Ku Tiri Sheeydaanka Iska Qabo:Waa Fiicantahay Lakin Ma isweeydiisay Sababta Ku Kaliftay in uu iska Kaa difaaco uu dhibaato ku gaarsiiyo ?
Mise Dhici kartaa in Ninkaasi ay Heeysato Dhibaato weeyn?
Waxa ay Soo Jeedisay Arrinkan Waxaana ay Tiri, aan Suuqa Tagno adigana Soo Xero Khamiis Cad Kadibna aan Wareeysano Xaaladiisa Guud.

Ninkii Askariga ahaa ayaa Ku Raacay Taladii Xaaskiisa.
Ninikii iyo Naagtii Sacuudiyaanka ahaa Ayaa u soo dhaqaaqay dhankii suuqa waxaana ay arkeen somaligii Oo ku sugan Suuqa Kadibna Way u Yeereen Waxaana ay Ku Dhaheen Gaarigan Inoo Dhaq.
Haye ayuu ku dhahay, Markuu Dhameeyay ayay Xaaladiisa Weeydiiyeen,
Waxaana uu Yiri. Xalay Waxaa umushay Xaaskeeyga Waxaana ay Ku Jirtaa Isbitaalka Waxaana layga Rabaa qarash Gaaraya 2000 SR Xaafadana Waxaa Jooga Caruur kale Mana Heeysto Wax aan iskaga Bixiyo Qarashkaasi Mana Jirto Qof aan Cawinaad Ka Sugayo Oo aan aheeyn Ilaahay,

Markuu Sheekada Dhameeyay Labadoodii aad ayay u ilmeeyeen
Wiilka Somaliga ayay Weydiiyeen in uu soo tuso Xaalada uu Sheegayo, ayna u Raacaan Xaafadiisa.
Somaligii Wuu ka aqbalay , waxaana ay soo arkeen xaalada uu ku sugan yahay,Wayna Xaqiiqsadeen
Marka Koowaad;Waxa ay ka Bixiyeen Qarashkii Deynta Isbitaalka lagu Lahaa
2:Waxayna u sameeyeen adeeg raashin ah guriga waxii uu u baahnaa oo dhan.
3:Waxa ay u balan qaadeen in Askariga Musharkiisa uu Qeeyb ka mid ah wax ka siinayo. Haduu ilaahay idmo.

Ugu Danbeeyntii Markii ay arkeen Sida ay Xaalada Tahay ayay Sual Weeydiyeen ,Ninkaan Kula Hadlayo Ma Taqaanaa ?
Wajigiisa Ma aragtay ?
Somaligii ayaa Dhahay Ma aqaan Waligeey Ma arkin?
Askarigii aya dhahay waxaan ahay Ninkii aad maanta aad feertay ee Ka waran?
Somaligii Naxtin iyo amakaag ayuu Galay, Xaaskii Askariga ayaa Ku Dhahday Is daji Dhib Majiro Lakiin Ogoow Dalkan Ma lihid Waxaana Gashay Qalad Weeyn,Ninkaan Waxa uu awoodaa In uu Rag badan Oo Dhar cad ah Kuu Soo Kaxeeysto kadibna Lagu Garaaco ee Mar danbo ha sameeynin Ilaahay aamin Asiga ayaa Ku Cawinayee.
Askarigii ayaa Xaaskiisa u Mahad Naqay Waxa uu Yiri Maanta Waxaa Iga Bad Baadisay Cuqubo aan Ka Gali Lahaa Adoon Ilaahay Oo Dhibaato Heeysato ee Mahadsanid

Fadlan Iska Hubi Inta aadan Dhibaato Geeysan


Xigasho: Barta Fecebook  ee Axmed Macalim Muxudiin

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*