September 16, 2019

Dagaal Dhex Maray Ciidamada Keenya Iyo Alshabaab


Wararka laga Helaayo Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa  sheegaya in Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya.

Weerarka ayaa waxaa lagu qaaday Saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin meel ku dhow deegaan lagu magacaabo Ceelraam oo ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari,isla markaana waxaa intaasi kadib xigay dagaal kooban oo dhexmaray labada dhinac.


Sidoo kale weerarka ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro kala duwan,waxaana la sheegay in Ciidanka Kenya halkaas looga dilay 9 Askari,sidoo kalena looga gubay ku dhawaad Afar Gaari.


War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Al-shabaab ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkii lagu qaaday Ciidanka Kenya,iyadoo tilmaamay in halkaas ay ku dileen 9 Askari.

Sidoo kale Al-shabaab  waxaa ay sheegteen in weerarka ay ku gubeen Afar gaari oo kala Taaw,Kooyal Mutibiish iyo Probox,isla markaana ay jireen kuwa gaashaaman.

Dhanka kale Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Kenya oo ay uga hadlayaan wararka sheegaya in weerar looga dilay Askar ka tirsan iyo in laga gubay dhowr gaari.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*