September 16, 2019

Lacag Ma Rabo. Q-11aad Xasuuqii Ay Ciidamadii Belgiumka Ka Geeysteen Magaalad Kismayo (Yahya Amir)


Lacag ma rabo. Q-11aad

Ciidamadii Belgiumka iyo Kismayo .

Ma jecli Jiilka cusub in aan Xaqiiqda xaraar u sheego, mana jecli in aan ka qariyo, qaar ka mid ah dhacdooyin xaqiiq ah oo Dalka ka dhacay ee aan u soo joognay sida: Somali la kufsanayo, Meydkii Somalida oo lagu dul kaadinayo, la xasuuqayo, Hilib Doofaar lagu khasbayo, Caruur la leeyahay sii qodo qabrigaaga, Matagaaga cun, Jirkooda la gubayo iyaga oo nool, Gooryaan iyo Cayayaan la cunsiinayo, iyo kuwa kale.

Waa xaqiiq aamin ama ha aaminin, (i dhaari haddii aad doontid), waxaa la hayaa inta badan cadeeymihii dambiyadii Ciidamada Belgium-ku ka geeysteen Kismayo, waloow ey jiraan kuwa la qariyay.

Belgium waa xarunta Midowga Yurub, waa Dad ku faanayo in ey dhoowraan Xuquuqda Bini aadamka, soow Asgartaani dugsi ma galin, aawday ilbaxnimadii Reer Galbeedka, Xuquuqdii ay noo sheegayeen. In aadan wada arag sawirada ayaa fiican, Ka feker wixii walaalahaa ku dhacay in ey kugu dhici karaan.

Somali badan waa ogaayeen, Ajnabigii falka geeystayna waa qirtay, dhacdooyinkaan qaar waxaa soo qoray Sawirana ku muujiyay ugu horeyntii wargeyska “the left-wing weekly Village Voice” Willka la gubayo, kuwa la haraatinayo, kuwa Meydkoodii lagu kaadinayo, mid lagu khasbayo in uu cabo Biyo cusbo leh, mid lagu khasbayo in uu cabo Matagiisa, iyo mid lagu khasbayo in uu cuno Gooryaan iyo Meydad dad la xasuuqay, kuwa konteynar kulul lagu xiray oo Laba Cisho kadibna Oon u dhintay, Askartiina ey Maxkamadda ka hor qirteen iyaga oo leh taasi waxa ey noo aheyd caadi iyo Haween u shaqeya UNISOM ka oo la faraxumeeyay. Aaween Masuuliyiintii Somalida ee waqtigaa Kismayo xukumayay, Ganacsatadii Qandaraasyada ka qaadaneeysay UNISOM iyo Waxgaradkii kale ee deegaanka joogay?.


Askarta Dhibaatada noo geeysatay waxaa ka mid ahaa: Saddax Alifle Dirk Nassel oo la soo sawiray isaga oo wiil somaliya ku khasbayo in uu cuno Matagiisa, Gooryaan, cayayaan iyo Hilib Doofaar, ayaa Maxkamada la hor keenay dambiyadaa oo dhanna waa lagu cadeeyay. Laakin waxaa lagu soo koobay dhaqan xumo Ciidan ayey aheyd, welina waxa uu ka tirsan yahay Ciidanka Belgium-ka.

kuwa kale ayaa lagu cadeeyay in si kas ah ey u dileen Caruur Somali ah welibana ku khasbeen iyaga oo nool in ey sii qotaan Qabuuradooda. Asgartiina waa la sii daayay. (Belgian soldiers were also accused of holding fake executions for Somali children and forcing them to dig their own graves); Posted on 5/20/2004, 9:28:22 PM by ijcr.


Dhinaca kale, Kurt Coelus iyo Claude Baert waxa ey Somalia joogeen 5 December 1992 illaa 4 May 1993. Iyaga oo loo keenay Somalia howl Beni aadannimo oo Golaha Amaanku ku soo saaray “Resolution No. 794”.

Labadii Asgari ee Claude Baert iyo Kurt Coelus ee dubayay wiilka Somaliga ah ayaa ku dooday in uu wax xaday Wiilku eyna dubidu aheyd iska Ciyaar iyo Cabsiin sida uu sheegay xeer ilaaliyihii Mr. Luc Walleyn. ( F.S: 1 & 2aad)

Labadii Asgari ee Wiilka dubatay in kasta oo la soo jeediyay in hal sanno lagu xakumo, waxaa lagu xakumay Hal Bil oo kaliya iyo 200 ganaax ah, markii uu Xeer ilaaliyihii sidaa codsaday. Markii dambena waxaaba la yiri: Hala sii daayo waxa ey aheyd Ciyaar, inkasta oo la cadeeyay in wiilku uu si xun u gubtay oo Jirkiisu aad u Bislaaday . (( laga yaabee in uu dhaawacaa u dhintay,taa kuma dambaabi karo))

Dhacdooyinkaan Dowlada Belgium ayaa tiri: hala baaro kadib markii lagu soo qoray wargeyska ka soo baxo Belgium ka ee “Het Laatste Nieuws”.

Wargeeyskii “Het Laatste Nieuws” iyo Qoraagii Mr.Lieve Van Bastelaere, ayaa lagu handaday in la soo weerarayo. Police- ka ayaa handadaadii xaqiijiyay, laakin markii dambe Ninkii soo diray telephonka handadaada ahaa ayaa yiri: waan sakhraansanaa.

Wasiirkii Difaaca ee Belgium Mr. Jean-Pol Poncelet, ayaa yiri: Asgarigii lagu helo dambi uu ka galay Somalida waa la ciqaabayaa. Aawday ciqaabtii??. Labadii wiilka dubatay. Hadda, Baert ciidankii waa ka tagay iskii, Laakin Coelusa weli waxa uu ka tirsan yahay Ciidanka Badda.

Gaashaanle Sare: Gilbert Hertoghe ayaa yiri: Ficilkaa xun ee ciidamadu ku kaceen uma dul qaadaneyno (F.S: 3aad) Mar kale 15 Ciidanka ahaa oo dil iyo jirdil lagu soo eedeeyay ayaa la yiri: Hala baaro 1995. Asgari kale oo ka tirsan Guutada 3aad ee Parachute Regiment ayaa isna lagu soo eedeeyay Dambiyo uu Somalida ka galay, waxbana lagama qaban.

Sergeant Major: Rudy Derkinderen ayaa lagu cadeeyay in uu Dilay kuna dul kaadiyay Meydkii Wiil Somali ah, hal Asgari oo kaliya ayaa lagu xakumay 5 sanno kaa oo lagu eedeeyay in uu dilay dhalin yaro badan oo Somali ah oo ogaaday Hub Suuq madoow ey Ciidamadu ku iibinayeen.( wax ogaashadu mar mar ayey khatar tahay, waana sababta Dad badan oo Somaliya oo arrintaan ogaa ey uga aamuseen Qaar kalena ey iiga diideen in aan ka hadalno)

Dhacdadaan kadib waxaan tagay Magaala madaxda Belgium –ka ee Brussels, habeen barkii markii aan hor istaagay Guriga Reer Boqor iyo Baarlamaanka waan calool xumaaday, Talaabooyin badan in aan qaado ayaa maskaxdeyda ku soo dhacday, laakin saaxiibadeydii Somalida ee ila joogay uma sheegin arrintaa, si aanan jawiga uga khaldin, colaadna aanan ugu abuurin bacdamaa ey halkaa deganaayeen, Aniguna aan sii ururiyo wixii Xog ah ee suura gal ah ( F.S: 4aad)

Ciidamada Belgium-ku dhibaato badan ayey Kismayo ka geeysteen( F.S: 5-9aad) iyada oo Guud ahaanka Ciidamadii Nabad ilaalintu ee UNISOM ey somaliya ka geeysteen dhibaatooyin badan ( F.S: 10-14aad)

Intii aan ku jiray arrintaan baaritaankeeda in kasta oo ey Kismayo iga fogeeyd oo aanan tagi Karin, ayaa Talyaanigu Adis Ababa u soo diray Guddi ka kooban 5 xubnood kuwaa oo loo yaqiin “Commisione Galla” waxa ey Fal dambiyeeyada ka wareeysteen 145 Qof oo Somali & Ajnabi ah sida warbixintooda ku qoran, weyna diideen in Anniga iyo Ururka SIS-ba ey la kulmaan. Sinyoor Galla oo 80 Sanno jir ahaa, gudigana ka madax ahaa ayaan mar dambe ku kulanay Magaalada Rome ee Talyaaniga.

Waxaan ku iri: Maxaad u diiday in aad nala kulantu markii aad Adis joogtay? Dadka aad wareeysateen, kharaj miyaa idiinkaga baxay? ogow Annigu shalay & Maantaba Lacag kaama rabo. Waxa uu ahaa kulan aan farxad galin Odaygii Sinyoor Galla. Laga yaabee in aan ku khaldanaa in Odayga aan sidaa ula hadlo, khatarina iga imaan kartay sida ey ii sheegeen Qareeno Talyaani ah. waaya aragnimo la’aan iyo carro ayaa ii geeysay haddii aan khalad galay.

FG: ogow in aad Baaritaankaan sii wado uma baahno Hanti. Aniguba Nolosheyda waxaan ahaa Qof aan Hanti leheeyn, waalidkeey Reer miyi/Tuulo ayey ahaayeen, ma qabin Documenti aan ku safro oo aan ka aheyn kan somaliga, ma jirin Cid i Maal galineysay. Adigu waxaa laga yaabaa in maanta aad heeysato, hanti ama isgaarsiin casri oo aad ku sii baarto Dhibaatooyinka Somalida loo geeystay,iyo kuwa hadda loo geysan karo, si Jiilka dambe ey uga sii taxadaraan ama uga fal celiyaan. Halkaa ka sii wad walaal haddii aad awoodid, ha baqin Allana tala saaro, Runta lama jeclo, laakin ha qarin, Aniguba khatar badan waan galay welina waan noolahay.

FG: Ugama dan lihi Qoraalkaan in aan xumeeyo, xiriirka Somalida & Belgium-ka, Lakin Jiilka maanta joogo kama qarin karo xaqiiqda dhibaatadii Ciidamadii Belgium- ku u geeysteen walaalaheeygii Reer Kismao.

Arragtidaada xur ayaad u tahay, wixii aan ka khalday iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir

L'immagine può contenere: 2 persone
L'immagine può contenere: 2 persone, persone in piedi
L'immagine può contenere: 1 persona, in piedi, cielo e spazio all'aperto
L'immagine può contenere: una o più persone, persone sedute e spazio all'aperto
L'immagine può contenere: una o più persone e spazio all'aperto
L'immagine può contenere: una o più persone, albero, spazio all'aperto e natura
Nessuna descrizione della foto disponibile.
L'immagine può contenere: una o più persone e persone sedute
L'immagine può contenere: una o più persone, persone in piedi e spazio all'aperto

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*