September 16, 2019

Warbixinadii ugu dambeeyay madaafiic Lagu Garaacay agagaarka Madaxtooyada Villa Somaliya


Madaafiic Hoobiyeyaal ah ayaa goor dhow ku dhacay agagaarka Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo la soo warinayo in goobo kala duwan ay ku dhaceen madaafiicda.

Illaa saddex Madfac ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaceen hareeraha Madaxtooyada, mid ka mid ah madaafiicda ayaa ku dhacay agagaarka Safaaradda Itoobiya ku leedahay xeyndaabka Madaxtooyada.

Madfac kale ayaa ku dhacay halka lagu magacaabo Kaambada oo ku dhegan Xarunta Taliska Booliska ee Commando Polizio.


Sidoo kale Madfac kale ayaa ku dhacay Xaafada Caga Dhiig, madaafiicdan ayaa soo dhacay abaarihii xilligii salaaddii duhur, iyadoo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.


ilaa iyo la xaqiijiyay hoobiyeyaashaas ayaa waxaa ku dhaawacmay hal ruux oo shacab ah,waxaana dad ku sugan goobaha ay madaafiic kusoo dhaceen ay sheegeen inay casbi soo wajahday,kadib markii hoobiyeyaasha ay kusoo dahceen xaafadahooda.

Hay’adaha amniga Soomaaliya weli ka hadlin hoobiyeyaasha Maanta kusoo dhacay xeyndaabka Madaxtooyada Soomaaliya,waxaana hoobiyeyaal horay ugu soo dhacay agagaarka Madaxtooyada sheegtay Ururka Al-Shabaab.

Inta badan Madaafiicda hoobiyeyaasha ayaa waxaa sheegta Al-Shabaab inay ku weeraraan Madaxtooyada, waxaana ay geystaan khasaarooyin kala duwan oo dad rayid ah uu ka soo gaaro.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*