September 16, 2019

XOG:Waa Imisa Xarumaha Gaarka ah iyo Kuwa Dowlada Federalka ee Al-Shabaab ay ka joojiyeen dhismayaashooda?


Sheeko cusub ma’ahn in Al-Shabaab ay lacago canshuur ah ka qaataan dhamaan dhismooyinka magaalada Muqdisho iyo adeegyada kale ee ganacsi ee ka jira Muqdisho iyo gobalada kale ee dalka balse waxaa layaab noqday in Al-Shabaab dhismo ka joojiyaan dowladda Soomaaliya.

Dad badan ayaa ku baraarugsaneen in Al-Shabaab ay hore ugu guuleesteen joojinta dhismayaal ku socday goobo ganacsi oo gaar loo leeyahay iyo dhismiyaal dowladeed.

Al-Shabaab ayaa muddo dheer ka  joojiyeen dhismiyaal hotel iyo ganacsi kale, iyo ilaa xarumo  kale oo ay leedahay dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab waxay joojiyeen dhismo ka socday isgoyska Jubba, kuna dhaggan hotel Dorbin oo isagana qorrax ka soo bax kasii xiga xarunta ugu wayn ee NISA, sidoo kalane ku dhaggan aqalka golaha senate-ka Soomaaliya (Aqalka Sare). Dhismahaan ayaa waxaa la sheegay in loo dhisayay dhowr wasaaradood oo katirsan xukuumadda Soomaaliya, sida gaadiidka iyo caafimaadka ay ku soo guuri lahaayeen, mana bilaaban ilaa hadda dhismahaas oo muddo hakad ku jira.

Sidoo kale, Al-Shabaab waxay dowladda Soomaaliya ka joojiyeen dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, inkastoo markii dambe lacag lagu bixiyay dhismaha wadadaasi. Qatar ayaa boqolaal kun oo dollar ay ku bixisay dhismaha wadadaasi oo Al-Shabaab markii hore hakad geliyeen.


Sidoo kale Waxa ay ka Joojiyeen Dhismaha Garoonka Kubbada Cagta Stadio Muqdisho.

Goobaha sida gaarka ah loo leeyahay oo Al-Shabaab dayactirkooda joojiyeen waxaa kamid ah hotelkii waynaa ee Maka Al-Mukarama oo ay dhowr jeer weerareen iyo maqaayadii Hilaac UK, oo sidoo kale isku mar la weeraray labadaasi xarun.


Al-Shabaab ayaa dhismaha hotelkaan ay joojiyeen iyo goobaha kale ku micneeyay in aysan raali ka aheyn sii shaqeynta hoteelkaasi oo lagu tiriyo goobo fara ku tiriska ah oo diiday bixinta canshuurta Al-Shabaab, halka Hilaac UK la sheegay in ay sababsatay warar sheegaya in xukuumadda Soomaaliya ay bixisay lacago taakulo ah oo dadkii ku hanta beelay lasiiyay.

Cidna kama qarsoona saameenta Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho oo aad uga sii kordheysa halkii ay joogtay 3 sano ka hor iyadoo ay kusii milmayaan gudaha ganacsiga iyo shacabka intii uga harsaneed.

Xaqiiqda kale  waxaa kamid ah in Al-Shabaab, muddo todobaadyo ah joojiyeen adeegyadii dekadda Muqdisho kadib markii ay u hanjabeen shaqaalaha iyo gaadiidleyda dekadda Muqdisho, balse dib loo xaliyey. Ayagoo Ku Qasbay in ay Bixiyaan lacag Hadii kale ay Dilayaan,

Waxaa kale Oo Jira In Dadka ay ugu yeeraan Goobo ka baxsan Muqdisho si ay lacagta ugu soo qaadaan  Balse Waxaa dhawaan laga baahiyay warbaahinta Caalamka awooda alshabaab Iyo Tabaryarida dowlada somaliya waana nassib daro ku soo korortay Shacabka Ku Nool Konfurta somaliya.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*