October 19, 2019

Xildhibaan Jeesow oo ku tilmaamay diyaarad shalay ka degtey Kismaayo mid is qarxin siyaasadeed ah


Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa ku tilmaamay diyaarad shalay geysey magaalada Kismaayo siyaasiyiin ka qeybgalaysa caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland mid sharci darro ah oo qatar gelisay dadkii saarnaa.

Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay xildhibaan daahir Amiin Jeesow in diyaaradaas gaartay Kismaayo ay la mid tahay duulaaan lagu soo qaaday dalka Soomaaliya ayna ahayd mid is qarxin siyaasadeed ah.


“Hawada dalkeena waxaa mara saacadiiba illaa 12 diyaaradood,marka in diyaarad aan la ogeyn iska soo gasho waa mid halis ah ku ah guud ahaan ammaanka dalka.”ayuu yiri xildhibaan Jeesow.


Xildhibaan Jeesow ayaa madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay inay si deg deg ah uga war uga soo saaraan diyaaradii shalay ka degtay Kismaayo,iyadoo aan wax fasax ah aan ka heysan Maamulka hawada Soomaaliya,isla markaana khatar gelisay dalka Soomaaliya.

Diyaarada gaartay shalay magaalada Kismaayo ayaa waxaa la socday Madaxweyneyaashii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Dowlada Federalka ayaaa hore uga mamnuucday diyaaradaha tagaya magaalada Kismaayo ay soo maraan magaalada Muqdisho diyaaradaha ka duulaya Muqdishana ay 24saac ka hor soo wargeliso hay’ada duulista hawada,waxaana diyaaradii shalay gaartay Kismaayo ay madaxda Jubbaland ku tilmaameen mid ay soo iibsadeen.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*