October 19, 2019

FIIRSO:Mr:Xasan Sheekh oo su’aal ka keenay cida ay ka tirsan yihiin Xooggaga Waddaniyiinta


Iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay jirtay hadal heyn ku saabsan Koox la magac baxay Xooggaga Waddaniyiinta Soomaaliyeed, kuwaasoo ka qeyb qaata abaabulada kulamada iyo bannaan baxyada lagu taageero dowladda Federaalka, isla markaana dhaq dhaqaaq firfircoon ku leh degmooyinka Gobolka Banaadir.


Xooggaga Waddaniyiinta ayaa wakiilo ku leh degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaa la sheegaa in bilo ka hor ay door ku lahaayeen magacaabida cida Guddoomiye ka noqoneysa degmooyinka iyo talooyinka maamul ee degmo kasta, waxaana ay toos ugu xiran yihiin Madaxtooyada Villa Somalia.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa su’aal ka keenay waxa ay u taagan yihiin Xooggaga Waddaniyiinta Soomaaliyeed, isagoo is weydiiyay cida ay ka tirsan yihiin haddii ay yihiin Shaqaalaha Rayidka iyo haddii ay ururada bulshada rayidka yihiin.

Waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka laga doonayo inay sharciyeyso xooggagan oo ku darto shaqaalaha dowladda, isagoo caddeeyay in cid aan sharciyad heysan in aan qarash lagu bixin.


“Xooggagaas intee ka tirsan yihiin, shaqaalaha rayidka miyay ku jiraan ciidan miyaa, ururada bulshada rayidka miyay ka tirsan yihiin, hala sheego ma sharciyeysan yihiin”ayuu yiri Xasan Sheekh.:

Guulwadayaashii Kacaanka iyo Xoogagga Wadaniyiinta.

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud “ Xoogagga Wadaniyiinta Waxay ku dhisayihiin Sifo aan sharci aheyn ”1- Xooggaga Wadaniyiinta Xagee ka tirsanyihiin?2- Shaqaalaha Rayidka miyey ka tirsanyihiin? 3- Register-ka miyey ku jiraan?4- Ciidamada miyey ka tirsanyihiin? 5- Ururada Bulashada miyey ka tirsanyihiin?Daawo Muuqaalkaan, Waxabadan ka ogow Guulwadayaashii Kacaanka iyo Xoogagga Wadaniyiinta.

Geplaatst door Telefishinka Xisbiga UPD op Zondag 6 oktober 2019

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*