October 19, 2019

Maamulka Degmada Buulo-Burde Oo Xilkii laga qaaday


Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Maamulka Hir-Shabeelle ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan iyo duqii degmadadaasi.


Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Maxamed Cali Caadle ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday Guddoomiyihii degmada Buulo-Burde C/Casiis C/llaahi Cabdi (Duuroow) iyo duqii degmadaas Maxamed Fiidow Cawaale.


Sidoo kale wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in xilka guddoomiyaha degmada Buulo-Burde si KMG ah loogu Magacaabey Guddoomiye kuxigeenka Maaliyadda Liibaan Cabdi  Burisoow.

Sababaha xilka qaadista Gudodomiyihii degmada Buulo-Burde iyo deqii degmadaas ayaa waxa lagu sheegay kadib markii la arkaya is qabqabsi ka jira degmadaas iyo la-tashiyo lala sameeyey Madaxda Sare ee Hir-Shabeelle.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*