October 19, 2019

Maxay ka wada hadleen Wasiir Beyle & Duqa Muqdisho?


Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in xarunta Wasaaradda maaliyadda uu maanta kula kulmay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo ku-xigeenkiisa arrimaha Maaliyadda Ibraahim Dheere.


Sidoo kale Wuxuu sheegay Wasiir Beyle in arrimaha ay ka wada hadleen ugu muhiimsan tahay dar dargelinta howlaha lagu kobcinayo dakhliga dalka iyo sare u qaadista kaabayaasha dhaqaalaha.

“Arimaha ugu muhiimsan ee aan ka wada hadlay waxaa ka mid ahaa wada shaqeynta iyo dar-dar gilinta howlaha lagu kobcinayo Dakhliga Dalka,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

 Wasiirka Maaliyadda Xukuumadad Soomaaliya ayaa sheegay in dhammaantood ay ka go’an tahay in si wadajir ah ugu wada sahqeeyaan horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.


Si kastaba ha ahaatee Canshuurta G/Banaadir ayaan loogu adeegin shacabka muqdisho iyo dhamaan canshurbixiyaalka somaliyeed waxaana loo adeegsadaa danaha gaarka ah iyo mida siyasadeed waxa aad arkeeysaa in uu burbur xoogan ka muuqdo waddoyinka muqdisho ayna fadhiisanayaan biyaha markuu roob ka da,a magaalada muqdisho.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*