October 19, 2019

Wasiirka Warafafinta Jubbaland “Jubbaland Barlamaankeeda Wuu Dhisan yahay ee Dowlada Farmajo Faraha Ha Kala Baxdo Jubbaland ee Muqdisho Dhagaxa Haka Qaado”


Maamulka Jubbaland ayaa si kulul uga hor-yimid habraacii soo xulista Baarlamaanka iyo doorashada Madaxweynaha Jubbaland ee ay shalay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.


Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo la hadlay Idaacada BBC ayaa sharci darro ku tilmaamay warqada ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha.


“Warqadan ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka waxaan u aragtaa inay tahay mid sharci darro ah oo baal marsan dastuurka dalka u yaalla”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Jubbaland.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay mar walba  Ku Amartaa maamul goboleedyada, waxaana uu caddeeyay in dhowaan ay qabanayaan caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in la magacaabo Guddi farsamo oo loo dhan yahay, kalana shaqeyn doonaan sidii loo soo xuli lahaa Baarlamaan cusub iyo in la qabto shir dib u heshiisiin.

Dhowr jeer oo hore Maamulka Jubbaland ayaa qaadacay qoraalo is daba joog ahaa oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana inta badan ahaayeen kuwo aanan dhaqan gelin oo khilaafka labada dhinac sii xoojin jiray.

Si kastaba Ha ahaatee Qoraalkii Shalay Ka Soo Baxay Wasarada Arrimaha Guddaha Ayaa Moodaa in uu Yahay Mid uu Muuqda  Qas iyo Jawhwareer Cusub Mana ahan Habdhaqan Dowladeed Sida Ay Sheegen Qaar Ka Tirsan Aqonyanada Somaliyeed Waxaa Muhiim ah in la Tixgeliyaa Habraaca Dastuurka KMG ah ee u dagsan Dalka .

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*