October 19, 2019

Kal-fadhiga 5aad ee Baarlamaanka K/Galbeed oo Maanta furmaya


Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta oo Talaado ah ka furmaya Kal-fadhiga 5aad ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed,kaas oo ah kal-fadhigii ugu dambeeyey maadaama Golaha Wakiilada waqtigooda uu dhamaaday kuna egyahay 1-da Bisha December ee Sanadkaan 2019.


Munaasabada lagu furayo kal-fadhiga 5aad ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka qeyb-geli doona Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya iyo dhigiisa dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo ku wada sugan Magaalada Baydhabo.


Ammaanka Guud ee Magalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey,waxaana la filayaa in khudbado kala duwan ay ka jeediyaan munaasabada,guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan  & dhigiisa dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud.

Waxaa guud ahaan Magalada Baydhabo Maanta laga dareemayaa u diyaar garoowga munaasabada lagu furayo kal-fadhiga 5aad ee Wakiilada Koonfur Galbeed,waxana sidoo kale ka qeyb-geli doona Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen)

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*