October 19, 2019

Maamulka Jubbaland Oo War Ka Soo Saaray Caleema Saarka Madaxweyne Axmed Madoobe


Maamulka Jubbaland ayaa Ka Hadlay caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Waxaana uu Sheegay in uu dhici doona marka ay soo dhameystirmaan wafuuda ka qeyb galeysa Caleema saarka.

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa wariyeyaasha u sheegay in caleema saarka uu qabsoomi doono marka dhammaan wafuuda ay yimaadaan Kismaayo.


Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa markii labaad dib u dhacday, sababo la xiriira xayiraada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ay saartay.


Dhinaca kale Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland ayaa ka digay cadaadiska dowladda Federaalka ku heyso Jubbaland ay ka dhalan karto kacdoon bulsho, waxaana mar kale uu ugu baaqay dowladda Federaalka inay xoriyadiisa dib u soo celiyaan Wasiirkii Amniga Jubbaland.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*