October 19, 2019

Madax ka tirsan Xukuumadda oo ka soo jeeda Puntland oo gaaray Boosaaso


Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo ka soo jeeda Puntland ayaa gaaray magaalada Boosaaso, waxaana wafdiga Wasiirada ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Qorsheynta Jamaal Xasan Maxamed iyo Wasiirka Kalluumeysiga C/llaahi Bidhaan.

Sida wararku sheegayaan wafdigan ayaa ah ergo dowladda Federaalka ka wakiil ah ah oo u socda xalinta arrimaha khilaafka dowladda Dhexe iyo Maamulka Puntland.


Wararka ayaa sheegaya in wafdiga Wasiirada ah ujeedkooda yahay sidii ay u bilaabi lahaayeen is faham dhex mara dowladda Federaalka iyo Puntland.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya qorshaha Wasiiradan ay wadaan waxaa ka mid ah sidii Puntland u joojin laheyd u taageerida Maamulka Jubbaland.


Wararka ayaa intaa ku daraya in kulamo kala duwan ay u socdaan Wafdigan ka socda Xukuumadda iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Hase ahaatee Lama oga sida Wasiiradan ka socda Xukuumadda ugu guuleysan karaa inay xalliyaan tabashada Puntland iyo sida ay isugu soo dhoweyn karaan Federaalka.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*