October 19, 2019

Musharax Odowaa “Somaliya Way Ka Soo Gudubtay Waqtigii Guddomiye Gobol Loo Magacaabaya Ee Madaxweyne Farmajo Ha Ka Fiirsado”


Musharaxa Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka soo gudubtay waqtigii la soo magacaabi jiray Guddoomiye Gobol.

Musharax Odawaa oo xalay ka hadlayay Kulanka Aqoonyahanka Galmudug oo ay soo qaban qaabiyeen dhalinyaro ayaa sheegay in dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada sida ay u wada shaqeynayaan uu Dastuurka caddeeyay.

“Soomaaliya waa ka soo gudubtay waqtigii la magacaabayay Guddoomiye Gobol, dowlad goboleedyo ayaa la sameeyay, dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada sida ay u wada shaqeynayaan dastuurka ayaa sheegay, cid cid u baahan ma jirto oo leh kulama shaqeynayo, wada shaqeynta ma ahan jaceyl iyo naceyb, waa arrin dastuuri ah, cidii ku xadgudubka dastuurka ayaa gardaran haddii ay tahay dowladda federaalka iyo haddii dowlad goboleedyada”ayuu yiri Musharax Odawaa.


Musharax Odawaa ayaa soo hadal qaaday hadal heyn maalmahan jirtay oo ahaa in aanay isaga rabin dowladda Federaalka oo aanay taageersaneyn Musharaxnimadiisa, isagoo xusay in isagaba cida uu taageerada ka rabo ay tahay reer Galmudug, oo aanu dooneyn inuu noqdo nin raadsaday in loo magacaabo. Guddoomiye Gobol

“Beryahan waxaa arkay ayadoo la leeyahay dowladda Federaalka kuma rabto, anigaba maba rabo inay i magacawdo, dowladda Federaalka cod kama rabo, codkiina ayaa rabaa idinka in aad ii codeysaan, aniga Farmaajo inuu Guddoomiye Gobol iga dhigo kama raadsan, ma rabo”ayuu yiri Musharax Odawaa


Musharax C/raxmaan Odawaa ayaa ka mid ah Musharaxiinta ugu cad cad ee u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug,

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*