November 12, 2019

Ciidamada Amniga Oo Gacanta Ku Dhigay Koox Ka Ganacsata Qamriga Magaalada Dhuusamareeb


Wararka laga helayo Magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska degmadaasi ay fuliyeen howlgal lagu soo qabtay khamri farabadan & dad ka Ganacsanayay.

Howlgal qorsheysnaa ayaa la sheegay in Ciidamada Booliska ka fuliyeen Xaafado bartilmaameed ahaa oo ku yaalla Dhuusamareeb,kuwaas oo lagu sameyn jiray Khamriga laguna iibin jiray.

Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa waxaa ay sheegeen in saacadaha soo socda ay hay’adaha Amniga Magaalada Dhuusamareeb ay soo bandhigaan Khamriga,isla markaana meel fagaaro ah lagu burburiyo.


Saraakiisha ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen in howlgalka dad lagu soo qabtay,kuwaas oo lagu eedeeynayo inay ka ganacsanayeen,isla markaana sharciga loo gudbin doono.


Qaar kamid ah Gobolada dalka ayaa waxaa horay loogas ameeyey howlgallo kala duwan oo ka dhan ahaa Khamriga iyo dad ka Ganacsanayey, iyada oo inta badan dadkii loo soo qabtay la xukumay.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*