November 13, 2019

Guddomiye Cismaan Bare”XIldhibaanada Baarlamaanka HIrshabelle Waa in ay dib ugu soo laabtaan Jowhar”


Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed ayaa ku amray xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle inay  dib ugu soo  laabtaan magaalada Jowhar xarunta dowlad goboleedka HIrshabelle kadib markii uu dhamaaday fasaxii ay ku jireen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu furmi doono kulanka Baarlamaanka Hirshabelle, isagoona sheegay in dib loo amba qaadayo howlaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.


Baarlamaanka Hirshabelle  oo lagu waday inuu furmo bishii aynu ka soo gudubnay ayaa dib u dhacyo  xoog leh kala kulmay xildhibaanada oo ka maqan caasimada.


Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle ayaa fariin uu u direy xildhibaanada ugu sheegay inaysan qaadan doonin gunadooda haddii aysan soo gelin magaalada Jowhar.

Sidoo kale guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa waxaa uu shacabka ku nool Magaalada Jowhar ka dalbaday in ay la shaqeeyaan ciidamada Amniga si loo sugo Amniga Magaalada Jowhar

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*