November 13, 2019

Dhalinyaro Lagu Dilay Muqdisho iyo Faah faahino Ka Soo Baxaya


Warbixino ayaa  ka soo baxaya kooxo hubeysan oo xalay saddex ruux ku dilay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, iyadoo kooxda dilka geystay ay baxsadeen.

Wararka ayaa sheegaya in saddexda ruux ee la dilay ay ahaayeen dhalinyaro, waxayna saarnaayeen mootada labada lug leh ee loo yaqaano Feko.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in saddexda ruux isku mar ay toogteen kooxo hubeysan, waxaana dilka uu ka dhacay agagaarka Baar ha i dhaafin.


Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dhalinyaradan cida ay ahaayeen, Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, waxaana ay ku tilmaamtay ragga ay dileen inay ahaayeen ciidanka dharcada loo yaqaan ee ka tirsan Nabadsugida.


Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Hey’addaha ammaanka oo ku aadan dilkan xalay ka dhaxay degmada Waaberi, waxaana dilkan noqonayaa kii u horeeyay muddooyinkan ka dhaca Muqdisho oo hal meel lagu dilay saddex qof.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*