November 13, 2019

Dowlada Somaliya Oo Safiir u Magacaawday K/Afrika iyo Muwadin Somaliyeed Oo Lagu Dilay Dalkaasi


Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay xilkii ka qaaday safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Koonfur Afrika Amb, Jamaal Maxamed Barow, iyada oo safiir Cusub u magacaawday dalkaasi.

Warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in Dowladda ay safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhin doona  Koonfur Afrika u Magacaawday Maxamed Cali (Nabadoonka) Qunsuulkii Hore Ee Safaarada Somalia  Magaalada Pretoria  ee dalkaasi Koonfur Afrika.


Maxamed Cali (Nabadoonka) ayaa sidoo kale mar kuxigeeno u soo noqday Safiirkii hore ee Koonfur Afrika ee geeriyooday Sayid Shariif iyo kan hadda booska baneynaya ee Jamaal Maxamed Baroow.

Dhanka kale Koox Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa ay Gudaha dalkaas  ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada dalkaas, xilli uu ku jiray howshiisa caadiga ah ee Shaqo.

Kooxda ayaa weerartay muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Cabdi jibaar Cabdullaahi Jimcaale,isaga oo ku sugnaa meel aan ka fogeen Goobtiisa Shaqada oo ku taalla tuulo hoostagta Magalada Johannesburg

Kooxdii Burcada aheyd ee dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana dad ku sugan Koonfur Afrika ay sheegeen in meydka  muwaadinka Soomaaliyeed mudo kadib goobta laga qaaday.


Dalka Koonfur Afrika ayaa sanadkan 2019 waxaa kusoo kordhay dilalka loo geysanayo Soomaalida ku Ganacsata,waxaana  2-dii Bishaan October  deegaanka soshanguve  oo ka tirsan Magalada Pretoria lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Xasan Buulle

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*