November 13, 2019

Maxaa Keenay In ICJ Ka Caga Jiido Muranka Soomaaliya Iyo Kenya?


Maxkamadda cadliga adduunka ee ICJ ayaa dib u dhigtay mar kale dhageysiga dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya ilaa June ee sanadka dambe.

Qoraal Shalay kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in ay tixgelisay codsiga Kenya, dibna u dhageysan doonto June 8 -12, 2020.

Inkasta oo ICJ leedahay waa markii ugu dambeysay hadana ma aha dastuur qoran, oo waxaa ku filan in Kenya geyso marmarsiyo kale iyo codsi dib u dhigis ah.


Villa Somalia waa diidaneyd dib u dhigis labada jeer ee maxkmadda dib u dhigtay September ama Novemberta soo socotaba, laakin Kenya doodeeda ayaa adkaatay, taasi oo keentay in la dib dhigo.

Maxaa Keenay In Kenya Codsigeeda La Qaato?!

 waxaa  Jira  in dadka hor socda kiiska badda ee matala dhanka Soomaaliya ay liitaan qareenno ahaan iyo siyaasiyiintaba.


Qareennada: Qareennadan oo kala ah: Paul Riichler, Prof. Philippe Sands iyo Prof. Alain Pellet waxaa ay aad uga liitaan, kana khibrad yar yihiin kuwii dalkeenna matalayey kolkii hore, Villa Somalia mar aan weydiiney “Lacag ayaa loo waayey kuwii hore oo mushaarkooda ayaa badnaa” ayey jawaabteeda noqotay. Qareennadan cusub waa dad lagu raacay raqiis, waxayna ku guuldareysteen in ICJ tusaan sida Kenya aaney daacad uga aheyn dacwada ama ay u yastaba howlaha socda, haddii aan la badalinna waxaa ay khatar geli karaan kiiska oo dhan. Sida Hadda. Muuqata.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*