November 12, 2019

Wafdi Ka Socda Dowlada Oo Ku Wajahan Dhuusamareeb Si Xal Looga Gaaro Khilaafka Taagan


Waxaa Maanta Gelinka  hore  oo Jimce ah la filayaa in Magalada Dhuusamareeb ay tagaan wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye,kuwaas oo maalma ka hor uu safarkooda ka baaqday.


Maalmahan ayaa waxaa wada-hadallo hoose ay u socdeen dowladda Federaalka & hoggaanka Ahlusunna oo diidanaa Guddigii farsamada & dhismaha Galmudug ee Wasaaraddu Magacaawday.

Sidoo Kale Waxaa  la filayaa in Magaalada Dhuusamareeb ay tagaan wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale.


Wufuuda ka socota Dowladda Federaalka ayaa markii ay tagaan Dhuusamareeb waxaa ay Ahlusunna la meel dhigi doonaan xal u raadinta khilaafka taagan ee ka dhashay Ahlusunna oo diiday Guddiga dhismaha Galmudug oo ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Magacaawday Balse Dowlada Soomaaliya ayaa xilligaan ku mashquulsan xal u helida tabashooyinka ay qabaan hoggaanka Ahlusunna si loo dhiso Galmudug loo dhan yahay,isla markaana la doorto hoggaanka Maamulka Galmudug.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*