November 12, 2019

Guddoomiye Mursal;”Tirada xildhibaanada wasiirada ah waa tiro aad u badan.”


Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa markale baaq u direy xildhibaanada baarlamaanka ee haya xilalka wasiirada inay ka soo qeybgalaan kulamada baarlamaanka uu yeelanayo.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulankii maanta ee baarlamaanka waxa uu ka sheegay in xildhibaanada Golaha Shacabka Sanadkaan ay u yaalaan Shaqooyin badan, islamarkaana dhammaan xildhibaanada baarlamaanka laga doonaayo in ay soo xaadiraan.


Guddoomiyaha Golaha  Shacabka ayaa xusay in xildhibaanada wasiirada ah ay aad u badan yihiin. “Wasiiradda Xildhibaanada ah markay shaqo ku maqan yihiin ma ahanee inta kale waxaan rabnaa in ay fadhiyaan, tiradda wasiirada waa tiro aad u badan, tiro yar ma ahan, waxaan ka codsaneynaa mar walba in ay fadhiyaan” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.


Ma aha markii ugu horeysay ee uu guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal uu baaq u diro xildhibaanada ka mid ah golaha wasiirada dowlada federalka.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*