November 12, 2019

Maamulka Jalalaqsi Oo Yiri “Waxaan Dilnay 20 Ka Tirsan Al-shabaab “


Maamulka demada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay dileen xubno ka mid ah Al-shabaab, kadib weerar ay ciidanka DFS ku qaadeen gaari ay la socdeen xubnahan la dilay.

Maxamed Nuur Cagajoof (Dabaashe), guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in 20 ka mid ah Al-shabaab la dilay, sidoo kalena ay kasoo furteen 18 qori iyo rasaas badan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in howlgalkan uu ka dhacay wadada xiriirisa Buulo-burde iyo degmada Jalalaqsi, ayna jidka u galeen gaari Homey ah oo ay saarnaayeen xubnahan Al-shabaabka ah.


“Ciidamada howlgalkoodaan wuxuu ahaa mid qorsheysan, waxaana jidka loo galay gaari Homey ah oo ay la socdeen Al-shabaab, waxaana kaga dilnay 20, Hubna waan soo furannay” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka kale, guddoomiye Dabaashe ayaa sheegay in ciidamada ay sii wadi doonaan howlgalladan ka dhanka ah Al-shabaa


Dhinaca kale  Al-shabaab weli dhankiisa wax war ah kama aanu soo saarin dagaalyahannada la sheegay in laga diley iyo hubkan laga qabsaday.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*