November 12, 2019

DEG DEG:-Nabadoon Goordhow Lagu Dilay Magaalada Kismaayo


Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa  sheegayain Goordhow halkaas lagu dilay Nin la sheegay inuu ahaa Nabadoon.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in Nabadoonka ay dilka u geysteen kooxo ku hubeysnaa Bastoolado,isagoo goobta ku geeriyooday.


Warar la helayo ayaa sheegaya in Marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray Nabadoon Saciid Adoon oo ka tirsan waxgaradka Jubbaland.


Ragii ka dambeeyay Dilkiisa ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday,isla markaana waxaa halkaas ku sugan Ciidamo amniga Jubbaland.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*