November 13, 2019

Nabadoon lagu dilay Gudaha Degmada Afgooye Iyo Faahfaahino ka soo baxayo


Wararka lagahelayo degmada Afgooye ayaa sheegaya  nin nabadoon ahaa ay kooxo hubeeysan ay ku dileen halkaasi, iyadoo faah-faahin dheeraad ah laga helayo qaabka dilkaan uu u dhacay.


Nabadoonka la dilayay oo lagu magacaabayay Ibraahim Maxamed Ibraahim, waxaana uu ka mid ahaa Nabadoonada sidda weyn looga yaqaano degmada Afgooye.


Nabadoonka ayaa ka mid ah Ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa laga doortay degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Kooxdii dilka geystay ayaa goobta ka baxsatay waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo bilaabay howlgallo.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*