November 12, 2019

Xildhibaan C/Rashiid Xidig Oo Beeniyay In uu Hishiis Dhex Maray Asiga Iyo Madaxweyne Axmed Madoobe


Xildhibaan Cabdi Rashiid Maxamed Xidig oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka sidoo kalena taageerayaashiisa ay kismaayo ugu doorteen Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka hadlay wararka sheegaya in uu la heshiiyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Qoraal uu soo dhigay Xildhibaanka Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in waxba ka jirin wararkaas oo badankood lagu faafiyey Baraha Bulshada,isla markaana ay ku qasabtay in uu ka hadlo.


Waxaan arkayaa warar Been Abuur iyo Riyo maalmeed isugu jira oo baraha bulshada lagu faafinayo oo lagu sheegayo heshiis iyo wada hadal u dhexeeya Aniga iyo Madaxweynihii hore ee Jubaland Axmed islaam: Markaan dhageystay isla markaana Akhriyay wararka noocaas ah Waxaa ii muuqatay inay lagama maarmaan tahay inaan qoraalkan la wadaago Taageerayaasheyda gudaha iyo dibada ayuu yiri” Xildhibaan Xidig.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in qorshaas ay soo abaabuleen madaxdii ka qeyb-gashay Xafladii Caleema saarka Axmed Madoobe ee Magaalada Kismaayo  oo uu sheegay inay yihiin qaran dumis,isla markaana ay ku fashilmeen qorsho ay ku doonayeen inay ku kala furfuran isbedel-doonka Jubbaland.


Ugu dambeyn waxaa uu soo qaatay Saddex qodob oo uu sheegay in Xubnaha Isbedel- Jubbaland ay doonayaan in lagu dhiso Maamul loo dhan yahay ee Jubbaland.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*