November 12, 2019

Xildhibaan Ka Tirsan Aqalka Sare Oo Ka Horyimid Amar Ka Soo Baxay Puntland


Mid ka mid ah Senatarada Laga Soo Doorto  Puntland  Senator Maxamuud Mashruuc oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa ka hor-yimid go’aankii ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo ay ku mamnuucday Xafiisyo ay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda ka furteen deegaanada Puntland.

Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Sadiiq Warfaa oo labaduba ah Xildhibaano ayaa Xafiisyo qaabilsan xiriirka ka furtay deegaanada ay ka soo jeedaan, iyadoo Puntland ay joojisay xafiisyadaas.

Senator Maxamuud Mashruuc ayaa go’aankaas ku tilmaamay mid ka hor imaanaya Dastuurka, isla markaana aan la is hor-taagin xuquuqda mataaladda ee xubnaha Baarlamaanka Federaalka ee ka soo jeeda deegaanada Puntland.


Waxaa uu ugu baaqay Madaxda Puntland inay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara Midnimada Qaranka, isagoo soo dhoweeyay fikradda ah in xubnaha Baarlamaanka ay deegaan doorashadooda ka sameeyaan xafiis u qaabilsan xiriirka.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland ayaa sii xoogeysanayay, iyadoo uu gaaray heer xubnihii maamulkaas u matalayay dowladda   Federaalka uu saameyn ku yeesho.


Dhinaca kale Mamulka Puntland ayaa ah Maamul a marka Ka Soo Baxa  Ay ka Dhaqan galaan  Hase Ahaatee lama garan karo sida uu ku danbeeyn Doono Balse Dowlada Somaliya ayaa ku Fakiraysa In ay Kala Daadiso Awooda Maamulka Puntland Waxaana ay Ku Bixinaysaa Dhaqaalo Fara Badan Waxaana ay u adeegsaneeysaa. Hab Qabiil ayna Doonayso In ay Ka Huriso Colaado iyo Dagaalo Sokeeye.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*