November 12, 2019

Askari Dilay Qof Shacab ah Iyo Banaanbaxyo Ka Dhacay Magaalada Garawe Puntland


Wararka aan ka heleyno Magaalada Garoowe ee Caasimadda Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in Qaar kamid ah Shacabka ku nool Magaaladaas ay  Maanta dhigeen banaanbax cabasho ah.


Dadka banaanbaxaya ayaa waxaa ay ka careysan yihiin dil xalay askari ka tirsan Ciidamada Puntland uu Magaalada Garoowe ugu geystay qof Shacab ah, iyaga oo dalbadanaya in cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyey.

Qaar kamid ah banaanbaxayaasha oo hadlay ayaa waxaa laamaha Amniga Puntland ka dalbadeen in gacanta lagu soo dhigo,isla markaana ay sheegeen in aan la aasi doonin ninkii la dilay xalay oo wali ku jira qolka meydka Isbitaalka magaalada Garoowe.

Banaanbaxayaasha ayaa sidoo kale Taayaro ku gubaya wadooyinka waaweyn ee Magaalada Garoowe, waxaana hakad ku jira isku socodka gaadiidka, iyada oo ay xiran yihiin Goobaha qaar ee Ganacsiga.

Hay’adaha Amniga Magaalada Garoowe iyo Maamulka degmada weli kama hadlin dilka ka dhacay Magaaladaas iyo banaanbaxa Maanta ay dhigayaan dad ka careysan dilkaas.


Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*