November 12, 2019

Maxay Kawada Hadleen Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Iyo Madaxa Xisbiyada qaranka Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh?


Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa gurigiisa ku booqday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed iyadoo ay la socdeen wasiiro xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugaaska iyo Siyaasiyiinta ku booqatay gurigiisa ayaa waxaa ay ka wada hadleen dhibaatada ka jirta gobolka Hiiraan gaar ahaan dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo ay qeyb ka yihiin Xildhibanao katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay Beladweyne ayaa waxa ay sidoo kale booqdeen halka dadka ugu badan daganyahiin ee ka barakacay fatahaada wabiga shabeele ee magaalada Baledweyne.

Madaxdaan ayaa ugu baaqay in wax laga qabto dhibaatada ka tagan Magaalada Beledweeyne Iyo Magalooyin kale Somaliyeed.



Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*