November 12, 2019

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo U Ambabaxay Faransiiska Iyo Ujeedka Safarkiisa


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta ka dhoofay Magaalada Muqdisho, iyagoo kusii jeeda dalka Faransiiska


Ra’iisul Wasaare Kheyre  ayaa Safarka uu ugu dhoofay dalka Faransiiska ayaa waxaa qeyb ka  ahaa xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, isla markaana waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay kusii sagootiyay Madax ka tirsan dowladda Federaalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Faransiiska uga qeyb galayo madasha nabadda Paris, oo looga hadlayo Nabadda iyo Amniga, arrimaha horumarinta, deegaanka, tegnoolojiyadda cusub, dhaqaalaha loo dhanyahay, dhaqanka iyo waxbarashada.


Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Xasan Cali Kheyre Magaalada Paris ayaa waxaa kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda ka qeyb galeysa madasha nabadda Paris.

Si kastaba Ha ahaatee Safarka R/Waxsaare Kheyre ayaa Ku Su Beegmaya Xil ay Dhibaatoyin Baniaadm ah ay ka jiraa Gobalada Dalka Waxaana ay dadka qaar ay ku micneeyeen Safar aan Natiijo la heeyn Wayo ummadii uu madaxada u ahaa  ayaa In mudo ah ku dul nool biyo dhexdooda waana nasiib daro 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*