November 12, 2019

Sheekh Shariif oo Fariin adag u diray dowladda “Magaaladan Mooryaan, Shabaab, iyo Itoobiyaan Waa laga Saaray Muqdisho Ogaada”


Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay xanibaadihii maanta lagu saaray garoomada Muqdisho iyo Beledweyn, xili ay gargaar u sideen dadka Fatahaaduhu saameeyeen.


Sheekh Shariif ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay hoygiisa Muqdisho, kaddib markii uu ka soo laabtay Beledweyn waxaa uu sheegay in xaalado adag ay soo martau Muqdisho sida waqtigii ay Burcada hubeysan heysan jireen, xiligii Itoobiyaanka iyo waqti ay halkaasi maamulayeen Shabaab balse looga saaray dagaal adag oo lala galay, sida uu yiri.


Waxa uu Shariifka sheegay in dowladda haatan talada dalka heysa aysan waxba uga duwaneyn kuwii lala dagaalay hadii ay sii wado dulmiga iyo xadgudubka ay wado.

“Magaaladaan Mooryaanaa heysan jirtay sow maaha, waa lala dagaalamay waa la raacdeeyay mise waa beentey, Itoobiyaanaa soo galay maxaa lagu sameeyay waa la eryay,Shabaabaa qabsaday, Maka xoog badan yihiin dadkaan?” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Waxa uu hadalkiisa sii daba dhigay “Walaahi Thuma Walaahi, Walaahi Thuma Walaahi, Walaahi Thuma Walaahi hadeysan joojin waan bixineynaa” ayuu yiri iyadoo mar kaliya goobta ay is qabsatay Sacab iyo mashxarad ay muujinayeen dadkii uu la hadlayay.

Si kastaba, Shariifka iyo Xasan Sheekh oo ka wada tirsan Madasha Xisbiyada Qaran waxay Magaalada Baledweyne u tageen, sidii ay gargaar u gaarsiin lahaayeen dadka ay saameeyeen waxyeelada ka dhalatay fatahaadaha, xilli toddobaadkii hore ay iclaamiyeen in laba boqol kun oo dollar, ay ugu talagaleen inay kaga qayb qaataan gurmadka fatahaadaha.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*