November 13, 2019

Xildhibaan Fiqi”Isbaraadii Wadooyinka Oo La Keenay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho “


Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in saaka hakad la geliyo socdaal Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ay ku tagi lahaayeen magaalada Beledweyne, iyadoo ujeedka safarkooda ahaa gurmad u fidinta dadka Soomaaliyeed ee fatahaada wabiga saameysay.


Sabab gargaar loo wado Beledweyne isbaaro loogu dhigto ma jiri karto, laakin waxay muujinaysaa niyad xumada kooxda Villa Somalia iyo halka uu gaarey falfal-xumadoodu”ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Xildhibaan Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in aanay aqbaleyn in Garoonka Muqdisho uu la mid noqdo isbaarooyinkii dalka ka jiri jiray sida uu hadalka u dhigay.


“Garoonka Muqdisho ma noqon karo mid la mid ah isbaarooyinkii dalka ka jiri jirey, cid laga yeelayana ma jirto wax aan sharciga waafqsanayn, Beledweyne waa tagis si kastoo turaanturooyin loogu horgudbo”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Saakay ayay aheyd markii maamulka Garoonka uu ku wargeliyay wafdi ka socda Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran in aanay ka dhoofi karin garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaddib amar soo gaaray, iyadoo la sheegay in Ra’iisul Wasaaraha safar ahaa, balse markii dambe la shaaciyay inuu baaqday.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*