May 29, 2020

Baarlamaanka Puntland oo xasaanaddii kala laabtay Dhoobo Daareed


Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa codka kalsoonida u qaaday Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maamulkaas C/Xakiin Dhoobo Daareed kuwaas oo kalsoonida kala noqday.


Kulanka Xildhibaannada Puntland oo ka qabsoomay Xaruntooda Garowe ayaa waxaa ay xasaanaddii Xildhibaannimo kala laabteen Guddoomiye C/Xakiin Dhoobo kaas oo horay ay xilka uga qaadeen.

Xildhibaannada ayaa saaka la horgeeyay Mooshin ay ku saxiixanyihiin 38 Xildhibaan oo xasaanad kala noqoshada Dhoobo ah.


Xildhibaano gaaraya 40 Mudane ayaa waxaa ay ahaayeen goobjoog,waxaana ay 39 ka mid ah u codeeyeen in xasaanadda Xildhibaannimo laga qaado C/Xakiin Maxamed Axmed  Dhoobo kaas oo 7dii November laga qaaday xilka Guddoomiyaha.

Olole uu maamul uga dhisayo Gobollada Sool iyo Sanaag ayuu ka waday labadaas Gobol,waxaa kale oo lagu eedeeyay in safiirka Soomaaliya ee Itoobiya C/Xakiin Xaaji Cumar Camey uu la kaashanayo dhismaha maamulkaas.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*