January 22, 2020

FIIRSO:JOWHAR”Janno u dhow Muqdisho Oo aan Lahayn Jid loo Maro Marna Aan Helin Maamul Wanaagsan”


Magaalada Jowhar 90KM ayay u jirtaa Muqdisho, waxa ay ku taal dhul  barwaaqo ah oo ku habboon tacabka iyo Wax soosaarka Beeraha, Webiga Shabelle ayaa dhexmara hayeeshee inkasta oo ay deris la tahay haddana waxa ay dadkeedu ka fishaan Webiga waxa ugu horreeya Fatahaad sabbata in laga baxo! haddaba Dowlad-goboleedka hirshabeelle oo xilli-madaxeedkeedu dhammaad yahay  maxay kusoo kordhisay  Jowhar oo xarun ah Hirshabelle?

Halkuu Ku Shaqeeyaa Maamulka Hirshabelle ;Muddo 3 sano ah oo ay Hirshabelle ku shaqeyneyso Jowhar weli kuma guuleysan in ay xal u hesho laba caqabadood oo haysta xarunta Hirshabelle, Jidka isku xira Jowhar iyo Muqdisho oo muhiim u ah gaadiidka, badeecada iyo ganacsiga u kala socota Muqdisho & Shabeelaha dhexe waxa ka taagan Nabadgelyo la’aan si xun u saameysay socdaalka islamrakaana sababtay qasabna ka dhigtay in Jowhar iyo Muqdisho diyaarad loo kala raaco, caqabadda kale waa burburka ballaaran ee gaaray Jidka Muqdisho-Jowhar oo la dhisay todobaatameyada qarnigii tegey.

Dhinaca Gaadissdka Cirka Duulimaadka diyaaradaha rayidka ah  ee Muqdisho- Jowhar oo billowday bartamaha 2019 waxa uu fududeeyey socdaalka Muqdisho iyo Jowhar,  waxa uu qaataa duulimaadkaasi  15-20 daqiiqo hayeeshee marka dhulka lagu safrayo waxa jira caqabado Dhinaca Nabadgalyada  iyo Burburka jidku ugu horreeyaan kuwaas oo adkeeya safarka, tusaale ahaan qiimaha gaariga u kala socda Muqdisho iyo Jowhar waa 170,000-200,000 oo kun ama lacag kudhow ($10) waxa uuna qaataa safarkaasi 3-4 saac. Oo Dhibato ah Gaadiddka Waxaa laga Qaada Lacago Canshuur ah Mana Loogu Adeego Sida ay Sheegeen Shacabka Iyo Ganacsatada Hirshabelle Lacagaha laga qaado in Cadaan lagu qeeysado Oo Maalinle ah Mana Lahan Qasnad dhexe ama Banki Midna Ma lahan,

Xaggee ku baxday lacag dhan $1,090.000 oo loogu talagalay Dhismaha jidka iskuxira Garoonka iyo Jowhar

Garoonka ama gegida diyaaradaha Jowhar waxa uu magaalada u jiraa qiyaas dhan 17 km, waxaana safarka jidkaasi laga billaabo garoonka illaa magaalada qaataa Saacad illaa Saacad iyo bar, sababtuna waa burburka jidkaas, biyaha roobku dhigay ayaa jidkaas ka sameeyey boholo waaweyn oo gaadiidku ku rogmado.

July-2018- March-2019 Sida ay Wasiirro katirsan dowlad-goboleedka Hirshabeelle sheegeen  lacag dhan $1,090.000 (Milyan iyo sagaashan kun oo dollar) ayaa Sanduuqa Somalia Stability Fund- SSF, waxa uu ku bixiyey Dhismaha 17km oo  ah dhererka jidka isku xira magaalada Jowhar iyo garoonkeeda diyaaradaha, si loo fududeeyo isku xirka gegida iyo Jowhar.

Shirkad dhismo oo uu leeyahay ganacsade lagu magacaabo Iimaan Maxamed Cali ayaa qaadatay Qandaraaska dhismaha jidka isku xira garoonka diyaaradaha iyo magaalada Jowhar hayeeshee sida ay madax wasiiro u badan oo katirsan Hirshabeelle u sheegeen Mustaqbal iyada oo aan jidkaas laga qaban wax ka badan Qiimeyn ayaa haddana lawada isticmaalay lacagtii loogu talagalay oo dhan, waxa ayna intaas raaciyeen in madaxda sare ee Hirshabeelle ay ogyihiin lana socdaan sida ay u suuragashay in lacagtaas la wada isticmaalo iyada oo aan waxba laga qaban dhismaha jidkaas.

Sanduuqa Somalia Stability Fund- SSF waxa aan u dirnay Email si ay noola wadagaan waxa ay ka ogyihiin meesha ay martay lacag dhan $1,090.000 (Milyan iyo sagaashan kun oo dollar) oo loo qoondeeyey dhismaha 17km oo  ah dhererka jidka isku xira magaalada Jowhar iyo garoonkeeda diyaaradaha kama aysan jawaabin.


Sida uu Sanduuqa Somalia Stability Fund- SSF ku daabacay Bartiisa Internet-ka waxa uu 77 Mashruuc kawadaa dowladgoboleedyada kala ah  Hirshabeelle, Galmudug, KGS, Jubbaland & Puntland.

 Dhinaca kale Raisalwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dhagax dhigay February-2019 dhismaha Jidadka isku xira Muqdisho & Jowahar-Muqdisho & Afgooye iyada oo Mashruuca dhismaha labadaas Jid uu maalgelinayo Sanduuqa Horumarinta Qatar (Qatar Fund for Development) waxaana joogay dhagax-dhigga jidadkan Khalifa Jassim Al-Kuwari agaasimaha Sanduuqa Horumarinta ee  Qatar,  hayeeshee inkasta 22 km oo kamid ah jidka Muqdisho & Afgooye la billaabay dhismihiisa haddana dhinaca Jidka Muqdisho & Jowahar illaa hadda wax dhismaha kama billaaban.


Sababta dhismaha Jidka Muqdisho & Jowahar uusan u billaaban sida Jidka Muqdisho & Afgooye waxa lagu sheegay laba sabab oo culeyskooda leh, middood waa nabadgelyada Shirakadaha qaatay Qandaraaska dhismaha jidka kuwaas oo u baqay Qalabka iyo shaqaalaha oo billowgii kowaad ee diyaarinta Mashruucan la kulmay dhacdooyin muujiyey halista nabadgelyo ee dhismaha iyo adeegsiga jidkaas ku xeeran.

Hoos ka fiirso:

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*