April 3, 2020

FIIRSO:Nabaddoonka cusub ee beesha Agoonyar Gaabane Oo Maanta La Caleemo saaray


Kulan Balaaran Oo ay isugu Yimaadeen  Waxgaradka , Beesha Agoonyar Gabaane  Sida Aqoonyahanka Dhalinyarada Iyo Culamaudiinka  ayaa Maanta Ka dhacay Magaalada Muqdisho ,

Kulankaaasi kadib Waxaa Lagu Caleema saaray Wabarka Beesha Agoonyar Gaabane  Wabar  Cali  Cumar Ciire ayadoo si Heer sare ah Loo soo Agaasimay  Waxaana Ka soo qeeyb galay dhamaan  Wax garadka Beel weeynta Agoonyar Gaabane .


Sidoo kale waxaa Munaasabada ka  hadlay Waxgaradkii ka so qeeyb galay ayagoo sheegay in loo baahan yahay in lahelo  Nabadoon Beesha Mideeya Kana Shaqeeya Horumarkeed Waxaana ay Kula Dar daarmeen in uu Si wanaagsan ugu adeego besha, waxaana ay ugu duceeyeen in uu ilaahay ugu fududeeyo Howsha Loo Dortay,

Dhinaca kale Nabadoonka maanta la caleema saaray ee beesha Agoonyar gaabane  ayaa munaasabadda Ka hadlay Waxaana uu sheegay Marka Hore uu Ilaahay Talada uu saaranayo Marka labaad uu Ka Shaqeeynayo Horumarka Beesha Agoonyar gaabane iyo Dhamaan Mideeynta Beelaha Mudullod. iyo Beelaha Somaliyeed.


Ugu danbeyntii  Nabadoon   Cali Cumar Ciire ayaa munaasabadda uga mahad celiyay In ay beesha u dooratay hoggaaminteeda.  Waxaana uu Balan qaaday in uu ka shaqeeyn doono Arrimahaan Soo Socda.

  • Hormarinta deegaanka ay degto beesha 
  • Raadinta xuquuqda ay beeshu leedahay
  • In beesha loo helo dib u heshiisiin
  • Raadinta in beeshu hesho midnimo
  • In uu si joogto ah u kaashan doono odayaasha dhaqanka beesha.

TV CEELBARAF

Kulan ay isugu Yimaadeen Besha Agoonyar Gaabane ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho Waxaana ay Ku Duubeen Wabarka Beesha AGOONYAR GAABANE.

Geplaatst door TV Ceelbaraf op Maandag 13 januari 2020

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*