May 29, 2020

Duqa Gaalkacyo oo ka soo hor jeestay xilka qaadistii uu ku sameeyey Madaxweyne Xaaf


Wararka laga Helayo  gobolka Mudug ayaa sheegaya in khilaaf hor leh uu ka soo cusboonaaday Gaalkacyo, kadib markii shalay madaxweynaha Galmudug uu xil ka qaadis ku sameeyey mas’uuliyiinta degmadaasi.

Duqa magaalada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hor yimid xil ka qaadista lagu sameeyey, isaga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay.

Xirsi ayaa carabka ku dhuftay in xilligaan Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf uusan xil ka qaadis iyo magacaabis toona sameyn karin, sidaa daraadeedna uu weli yahay duqa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.


Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inuu xil ka sii heyn doono illaa inta madaxweyne cusub looga doora doono maamulka Galmudug.


Duqa magaalada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre ayaa hadda ku sugan Dhuusamareeb, wuxuuna qeyb ka yahay ololaha doorashada Galmudug ee ka socda magaaladaasi.

Xaaladda guud ee Galmudug oo weli is jiid jiid uu ka jiro ayaan la ogeyn sida xal looga gaari karo khilaafka weli ka taagan dhismaha maamulkaasi oo la doonayo inuu noqdo mid loo dhan yahay.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*