January 22, 2020

Musharixiinta Gudoonka Baarlamaanka Galmudug oo maanta jeedinaya qudbadahooda


Golaha Baarlamaanka cusub ee dowlad Goboleedka Galnmudug ayaa lagu wada in ay maanta khudbadahooda waxqabad ka dhegeystaan musharrixiinta Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Guddiga doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa diiwaangeliyay musharrixiin dhowr ah iyada oo isdiiwaangelinta ay ku ekeyd xalay.

Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo Cabdinaasir Aadan Cusmaan oo Illaa hadda isu sharraxeen xilka guddoomiyaha  Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta qudbadahooda jeedin doona,waxaa kaloo iyaguna Qudbadahooda jeedin doona Musharixiinta Gudoomiye ku xigeenka 1 aad iyo 2 aad, waxaana u taagan Xubno taageero ka kala helaya Dowlada faderaalka Soomaaliya iyo Ahlusunna waljamaaca.


Musharraxa Guddoomiyaha Baarlamaanka u tartamaya ayaa laga qaaday $10,000 oo doollar, ku xigeenka 1aad ayaa laga qaaday $5000 oo doollar halka ku xigeenka 2aad laga qaaday 2500 oo doollar.


Marka ay maanta jeediyaan khudbadaha musharrixiinta ayaa waxaa ay maalinta berri ah isu diyaarinayaan doorashada Guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen.

Guddiga doorashada ayaa sidoo kale isla maanta waxaa ay kaararka aqoonsiga Xildhibaannimo siinayaan Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Galmudug si ay uga qeybgalaan doorashada Jimcaha dhaceysa.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*