February 23, 2020

Fanaan Khadar Keeyow Oo Dib u Helay Xorriyadiisa Iyo Xildhibaan Caraboow Oo Kaalin weeyn ka qaatay


Wararka  ayaa Sheegaya in   Maanta laga sii daayay  Xabsiga Fanaan Khadar Keeyow oo maalmihii lasoo dhaafay halkaas ku xirnaa.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ayaa shaaca ka qaaday in Khadar Keeyow xorriyadiisii uu dib  u helay, isla markaana sii deyntiisa uu qeyb weyn ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Iyo Dhamaan Shacabka Somaliyeed Meelkasto ay dunida ka joogaan..


Xildhibaan Cabduqaadir Carabow iyo safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Itoobiya ayaa gacan ka wayn ka geystay sii daynta fannaanka oo maalmihii lasoo dhaafay ku xirnaa Xabsi ku yaalla Itoobiya.


Fanaan Khadar Keeyow ayaa  bishii December ee sanadkii tegay ee 2019 waxaa laga qabtay gudaha Garoonka diyaaradaha Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya xili uu ka yimid deegaanada maamulka Soomaaliland. Hase ahaatee lama garan sababta loo qabtay .

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*