February 23, 2020

Sirdoonka Soomaaliya Oo Gacanta Ku Dhigay Fanaan sheegtay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab


Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa soo bandhigtay Abshir Gaarane Axmed oo ahaa Fanaan ka tirsanaa Waaxda Fanka Gobolka Banaadir, kaasoo todobaadkii hore la soo xiray, kaddib markii la tuhmay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab.

Muuqaal kooban oo la soo geliyay barta Twitter-ka NISA ayuu ka soo muuqday Abshir Gaarane oo qiranaya inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab.


Abshir Gaarane ayaa sheegay inuu Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2013, isla markaana u qaabilsanaa dhanka Macluumaadka iyo Maaliyadda.


Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa baraha bulshada hareeyay warka ku saabsanaa Fanaankan ka tirsan Al-Shabaab ee la sheegay inay gacanta ku dhigeen Ciidamada NISA.

Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday xarunta Gobolka Banaadir bishii July ee sanadkii hore 2019, waxaa soo baxayay shakiyo ku aadan in Al-Shabaab ku milmeen shaqaalaha gobolka, iyadoo bil ka hor la soo qabtay haweeney ka shaqeysaneysay Gobolka oo markii dambe qiratay in Al-Shabaab u qaabilsaneyd macluumaadka.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*