February 23, 2020

Wasiir Cawad Oo Ka Hadlay Qorshaha dhisidda Isbahayasiga Badda Cas, khilaafka Soomaaliya iyo Imaaraatka


Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Ambassador Axmed Ciise Cawad oo waraysi xasaasi ah siiyey wargayska Alsharq al-Awsat (Middle East) ee laga leeyahay dalka Sucuudiga ayaa si faahfaahsan uga hadlay khilaafka hareeyey xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraatka, qorshaha ku jira dhisidda Isbahayasiga Badda Cas ee uu hoggaaminayo Sucuudigu iyo tuhunka laga qabo Isbahaysiga Saddex Geesoodka ah ee dalalka Geeska Afrika.

Wasiir Cawad ayaa qiray in ay socdaan dadaallo lagu xallinayo khilaafka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraatka oo ay wadaan dowlado saaxiib la ah labada dal. Inkastoo bilihii la soo dhaafay ay labada dal ku kala aragti duwanaayeen arrimo badan oo saameyn ku leh xiriirkooda.

Amb. Cawad oo fasiraad ka bixiyey kulankii uu dhawaan la qaatay Safiirka Imaaraatka ayaa ku sheegay mid wareegto ah oo la mid ah kuwa joogtada ah ee uu la qaato danjireyaasha ka hawl gala Soomaaliya.


Wasiir Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya ay sanadkan u dabaal degayso xuskii 20-aad ee ka soo wareegtay Shirkii Carta ee dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dowladda Soomaaliya, haatanna dalku uu horumar weyn ku tallaabsaday, waxa uuna uga mahad celiyey Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka dalkaas.


Sidoo kale Wasiirka ayaa xaqiijiyey in uu dalka Sucuudiga kaga qeyb galay saxiixa qorshaha is afgarad ee lagu dhisayo Isbahaysiga Badda Cas oo ay ku midaysan yihiin 8 dal oo kala ah Sucuudiga, Soomaaliya, Jabuuti, Suudaan, Masar, Jordan, Yamen, Eretria.

Qorshaha Isbahaysigan cusub ayuu ku sheegay in uu yahay sidii loo xaqiijin lahaa nabadgelyada marin badeedkan istaraatiijiga ah, iyadoo la iska kaashanayo la dagaalanka burcadbadeedka, argagixisada, tahriibta, joojinta ka ganacsiga hubka sharci darrada ah ee xeebahan laga soo geliyo dalalka Gobolka, suntan iyo wasakhda lagu daadinayo Xeebaha Badda Cas ee xaalufisay khayraadka.

Sidoo kale, mar wax laga waydiiyey tuhunka laga qabo isbahaysiga Saddex Geesoodka ah ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretria in lagu wiiqayo Urur Goboleedka IGAD waxa uu sheegay in IGAD ay kusii xoogeysatay isbahaysigan, isla markaasna uu yahay mid lagu xallinayey colaadihii soojireenka ahaa ee dib u dhigay saddexdan dal ee dariska ah.

Wasiirku waxa uu sheegay in isu-furfurnaanta dalalka Gobolka iyo isdhex-galka bulshadooda ay dadka Soomaaliyeed faaiidada ugu badan ka haleen maadaama ay ku baahsan yihiin dalalka Gobolka, leeyihiinna saameeyn dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo xooggan.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*